Madax goboleedyada oo afhayeen u magacowday siyaasi reer Muqdisho ah

Garoowe (Caasimada Online) – Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa maanta sameystay afhayeen cusub, oo si rasmi ah ugu hadli doono afkooda, waxaana laga dhigay dhigay siyaasi reer Muqdisho oo caan ah.

Warqad kasoo baxday madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ahna guddoomiyaha golaha madax goboleedyada Cabdi Weli Gaas ayaa xilka afhayeenka madax goboleedyada loogu magacaabay Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Gaas ayaa sheegay in hadda iyo wixii ka dambeeya Cabdullaahi Sheekh Xasan uu si rasmi ah ugu hadli doono afka golaha, isaga oo ka shaqeyn danta dowlad goboleedyada.

Cabdullaahi Sheekh Xasan oo hadda ah wasiir ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, ayaa ah siyaasi aad looga yaqaan Muqdisho, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Daa’uudl/Wacbuudhan/Abgaal.

Waxa uu horey usoo noqday afhayeenka golaha siyaasadeed ee beelaha Hawiye.

Tallaabada xilkan loogu magacaabay ayaa loo arki karaa mid saameyn looga raadinayo dadka Muqdisho, maadaama golaha madax goboleedyada uusan ku jirin guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Hoos ka aqri warqadda kasoo baxday Gaas.