SACUUDIGA oo wajahaya cunaqabateyn iyo Senate-ka US oo soo farogeliyey kiiska Jamaal Khashoggi

Washington (Caasimaa Online) – Koox senataro Mareykan ah ayaa ku cadaadinaya madaxweyne Donald Trump inuu baaritaan ku sameeyo maqnaanshaha suxufiga Sacuudiga, taasi oo hogaamin karta cunaqabateyn la saaro saraakiisha iyo hay’adaha Sacuudiga.

Warqad ay madaxweyne Trump u direen arbacadii, ayaa senatarada waxa ay adeegsadeen xeerka Global Magnitsky Act ee la sameeyey sanaddii 2016, ayaga oo ku baaqay baaritaanka kiiska Jamal Khashoggi, oo aan la arag tan iyo markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, toddobaadkii tegay.

“Maqnaanshaha suxufiga Sacuudiga ee wax ku qori jiray Washington Post, Jamal Khashoggi, waxa ay muujineysaa inuu dhibbane u yahay xudugudb weyn oo ka dhan ah xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha” ayaa lagu yiri warqadda.

“Waxaan fileynaa in marka aad go’aan gaareyso inaad maskaxda ku hayn doonto akhbaar kasta oo arrintan la xiriirta, ayna ku jiraan saraakiisha ugu sarerysa dowladda Sacuudiga”

Madaxweynaha ayaa laga filayaa inuu senatka ugu soo jawaabo muddo 120 maalmood gudahood ah, isaga oo gaari doona go’aan la xiriira in lasoo rogo cunaqabateyn iyo in kale.

Aqalka cad ayaa sheegay arbacadii in xubno sare oo ka mid ah maamulka ay dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman kala hadleen maqnaanshaha Jamal Khashoggi, kaasi oo saraakiisha Turkiga ay aaminsan yihiin in lagu dhex-dilay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, toddobaadkii tegay.

Madaxweyne Trump ayaa sidoo kale sheegay inuu la hadlay madaxda ugu sarreysa Sacuudiga, isaga oo yiri “Ma aqbali karno in weriyayaasha lagu sameeyo sidan. Cidna in sidan la yeelo ma ogolaan doonno”