Dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka billowday Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howl-gallo ballaaran iyo dhaq-dhaqaaqyo ay ciidamada ammaanka saacadihii lasoo dhaafay ka bilaabeen magaalada Beledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan ee bartamaha Somalia.

Ciidamada ayaa inta uu socday howl-galka baaris ku sameynayey gaadiidka iyo dadka la socda, iyaga oo sidoo kale gudaha u galay xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Saraakiisha hoggaamineysa howl-galladan ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka uu yahay, sidii loogu diyaar garoobi lahaa doorashada golaha shacabka ee ka dhaceysa halkaasi.

Sidoo kale waxa ay saraakiishu tilmaameen inay sii wadi doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan magaalada Beledweyne.

HirShabelle ayaa ciidamada Booliska Beledweyne ku wareejisay gaadiid loogu tala-galay inay ku sugaan amniga magaaladaasi oo dhowaan doorasho ay ka dhaceyso.

Beledweyne ayaa waxaa weli ka taagan tabasho ay HirShabelle ka qabaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi, iyada oo duleedka magaaladana uu ku sugan yahay Generaal Xuud oo isna si weyn uga horjeesada dhismaha dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Si kastaba, dhowaan ayaa lagu wadaa inay bilaabato doorashada golaha shacabka oo lagu heshiiyey in maamul goboleedyada ay ku qabtaan ugu yaraan labo magaallo.