Odowaa oo la sheegay inuu si xeeladeysan ciidanka Danab ugu daabulay Guriceel

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee Amniga Maamulka Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaciyey in Taliyaha cidiamada xooga dalka uu diyaarad si dhuumalaysi ah ugu soo qaaday ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab si ay qeyb uga noqdaan dagaalka Guriceel.

Fiqi ayaa sheegay in Jeneraal Odowaa uu ciidamadaas kasoo qaaday saldhigooda Ballidoogle, islamarkaana uu dhar shibil ah u soo geliyay, kuwaasi oo hadda ku sugan duleedka magaalada Guriceel.

“Ciidamadaas waa xulka iyo kuwo gaarka ah ee shabaabka la dirirkooda loogu talagalay, waxayna ku hubaysan yihiin oo wataan miinooyinka dhismayaasha lagu dumiyo, qoryaha jabshaha la yiraahdo iyo hub kale oo casri ah,” ayuu ku yiri Fiqi qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

“Ciidamada gaarka ah waxaa qalabeeyey Dawladda Maraykanka, tababarkoodana gacanta ku haysa, balse waxaa nasiibdarro ah in Odowaa maantay uu u adeegsanayo in uu ku burburiyo guryaha Guriceel, una isticmaalo hubkii loogu talagalay Shabaab ASWJ.”

Wasiirka hore ee amniga maamulka Galmudug ayaa Odowaa ku dhaliilay in ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee uu adeegasanayo Ahlu-Sunna, ayada Al-Shabaab ku sugan yihiin deegaano aan ka fogeyn goobta la geeyay.

“Odowaa iyo cidda amarada siisa waxay halis ku tahay amniga qaranka iyo xasiloonida guud ee dalka, ficiladooduna waxay dhaawacaaysaa kaalmadii adduunku siinayey ciidamadeena iyo hadafkii naloo kaalmaynayey!.”

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dalbaday dowladda Mareykanka oo ayadu gacanta ku haysa tababarka ciidamada Danab ay hubiyaan in ciidamadaas gaarka ah iyo qalabkoodii loo adeegsaday dagaalka Guriceel ee u dhaxeeya Ahlu-Sunna iyo maamulka Qoor-Qoor.