Wiil kale oo Soomaali ah oo weerar mindi oo dhimasho leh ka gaystay dalka Britain

London (Caasimada Online) – Wiil Soomaali ah ayaa waqooyiga magaalada London ku dilay nin British madow ah kaasoo ku sugnaa goob timaha lagu jarto oo ku taal xaafadda ay ku badan yihiin Soomaalida ee Angel Corner oo Edmonton Green.

Wiilka Soomaaliga ayaa dilka u adeegsaday mindi kadib markii ay murmeen, islamarkaana wiilka Soomaaliga ah ay isugu tageen ninka uu dilay iyo asxaabtiisa, halkaasina uu wiilka Soomaaliyeed lasoo baxay mindi dhowr jeerna uu la dhacay ninka British-ka madowga ah.

Muddo daqiiqado ah kadib ayaa waxaa goobta soo gaaray ciidamada booliska, waxaana goobta dhaawaca ninka la mindiyeeyay ka qaatay helicopter, iyadoo booliska ay goobta xireen.

Goobta falkaan uu ka dhacay oo ay aad ugu badan yihiin Soomaalida kuna leeyihiin xarumo ganacsi ayaa waxaa la sheegay in wiilka Soomaaliyeed laga gardarnaa, balse waxaa uu isna adeegsaday inuu mindi u adeegsado kuwii ka gardarnaa.

Arrintaan ayaa kusoo beegan xili aad looga hadal haayo dalka UK dilkii labo todobaad ka hore wiil Soomaaliyeed uu weerar lagu sheegay mid argagixiso u geystay xildhabaan ka tirsanaa baarlamaanka UK oo lagu magacaabay David Amess, taasoo dhalisay cabsi iyo welwel laga qabo weeraro lagu bartilmaameedado Soomaalida.

Wiilka loo haysto dilka David Amess ayaa lagu magacaabay Cali Xarbi Cali, waxaana la sheegay in falka uu gaystay uu yahay mid argagixiso.

Kahor dilka David Amess, waxaa UK aad ugu badnaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee lagu dilo ama wax ku dila mindida.