Ciidamada Ahlu-Sunna oo ka baxay magaalada Guriceel

Guriceel (Caasimada Online) – Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa ka baxay magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud oo afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay kula dagaalameen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo isku dhinac ah.

Xog aan helnay ayaa sheegeysa in Ciidanka Ahlu-Sunna oo wata gaadiidkooda dagaalka ay ku baxeen waddada deegaanka God-Wiil ee aada dhanka Waqooyi Beri ee magaalada Giriceel.

Ciidamada Ahlu-Sunna ayaa fariisinkii ay ku lahaayeen dhanka waqooyi ee magaalada, sida Jaamacadda waxay uga tageen 2 Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo ay lahaayeen ciidamada dowladda, kuwaas oo ay ku qabsadeen dagaalkii bishii hore ka dhacay deegaanka Bohol.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada Ahlu-Sunna ma aysan kaxeysan labadaas Gaari oo waxay uga tageen goobta, iyagoo aan waxaba qabin.

Saraakiil ka tirsan Ahlu-Sunna ayaa laga soo xigtay in ay shegeen in wadahadal ay gar wadeen ka yihiin Ganacsade Xaashi Carabey iyo Senator Cabdi Qaybdiiid ay Guriceel uga baxeen.

Sidoo kale xiriir aan la sameeynay mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan dhanka dowladda ayaa iyaguna sheegay in uusan jirrin wax wadahadal ah, balse ay jiraan ganacsato qaab qabiil magaalada uga saartay ciidankii u dagaalamayey Ahlu-Sunna.

Ciidamada dowladda ayaa hadda la soo werinayaa inay gudaha u galeen dhufeysyadii ay Guriceel ku lahaayeen xoogagga Ahlu-Sunna, halkaas oo saakay ay isku balaariyeen.

Xigasho: Radio Galgaduud