Muqdisho (Caasimada Online) – Prof Dalxa oo kamid ah Xildhibaanada BF Somalia, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay lacagaha loogu yabooho Dowlada Somalia ee aan soo gaarin Bankiga.
Waxa uu sheegay inay jiraan dhaqaale badan oo loogu deeqay DF Somalia oo ay la wareegen dowlado kale oo saaxiib la ah Somalia.
Mar wax laga weydiiyay dalalkaasi qaatay dhaqaalaha Somalia loogu deeqay ayaa waxa uu sheegay inaysan fara ka qodneyn balse uu ogyahay in dhaqaalahaasi ay bixisay Jaamacada Carabta islamarkaana la waayay dowlad dabagasha sidaana ay ku suuragashay in DF ay ku hanaweysay.
Waxa uu sababtu ku sheegay in la wayay kaalinta Madaxda Qaranka ee ku dhex milanshaha dowladaha carabta si ay u helaan xuquuqdii ay laheyd Somalia, waxa uuna tilmaamay in lacagahaasi ay ka faa’iideystaan dowladaha carabta ee ka hoos shaqeeya Jaamacada Carabta.
Isaga oo arrintaasi si qoto dheer uga hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Lacagaha kuwa aan la bixin waxay ku timid dowladda daba gasha oo wasiir arima dibadeed ama maaliyadeed oo dhex taga dunida carabta ama daba gal ku sameeya ayaan jirin xukuumadihii wixii ka dambeeyay Farmaajo, wax is haysto mooyaanee, wax dowladda Soomaaliyeed oo ajande ah la shir tagtay ma aysan jirin, sidaa waxaa kaga faa’ideystay dowlado kale oo dhaqaalihii Soomaaliya loogu tala galay qaadanaya, waana dowladaha dhaqaalahooda hooseeya oo ka mid ah dunida carabta”
Dhanka kale, waxa uu sheegay in dowladaha ka faa’iideysta lacagahaasi ay kamid tahay dowladda Jabuuti iyo wadamo kale oo saaxiib dhow la ah Somalia.
Waxa uu si gaar ah farta ugu fiiqay in Dowlada Jabuuti ay la soo baxday siyaasado cad cad oo ay uga faa’iideysaneyso dhaqaalihii ay ka gaabisay Somalia.
Waxa uu hadalkiisa kusoo afmeeray in DF Somalia looga baahan yahay inay soo dhiciso lacagaha uga maqan Jaamacada carabta iyo wadamada kale, hadii aysan dhicin isla xisaabtan la weyn doono dhaqaale mar kale Somalia kasoo gaara aduun weynaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

