29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Ahlusuna oo diiday qorshe ay DF Somalia ka damacsan tahay Guri-Ceel

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Guriceel (Caasimada Online) – Maamulka Ahlu sunna ee degmada Guriceel ayaa ka baxay qodob kamid ah qodobadii ay dhawaan kala saxiixdeen dowlada Soomaaliya iyo maamulka Ahlu sunna.

Sheikh C/laahi Gureey, ku xigeenka golaha tallada ururka Ahlu sunna gobolada dhexe ayaa sheegay in hishiiskii dhawaan ay la galeen dowlada Soomaaliya uusan ku jirin in ciidamadooda laga saaro degmada Guriceel.

Hishiiskaasi ayuu sheegay inuu ku saabsanaa sii wadadiga wadahadalka kala dhaxeyo dowlada Soomaaliya iyo in ciidamada dowlada Soomaaliya laga kaxeeyo duleedka magaalada Guriceel.

Inkastoo qodobada lagu hishiiyay ay ka koobnaayeen shan qodob oo lasoo bandhigay haddana waxaa jiray qodobo  kale oo aan lasoo bandhigay, iyadoo Caasimada Online ay ogaatay qodobadaasi oo ay kamid ahaayeen in labada ciidan ee dagaalamay la kala qaado.

Sheikh Gureey, wuxuu sheegay in marnaba ciidamadooda aysan ka saari doonin degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

Dowlada Soomaaliya ayaa dooneyso qorshe ku aadan in degmadaasi la geeyo ciidamada dowlada ethiopia si ay halkaasi ugu xoogeystaan, laakiin waxaa ka hor yimid ururka Ahlu sunna.

Ugu dambeyn ayuu sheegay in ciidamada Ahlu sunna loogu yimid halka ay joogaan oo iyaga aysan kusoo duulin degmada, sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News