29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

R/W Cabdi Weli iyo Dr. BAADIYOOW oo soo saaray sideed qodob oo muhiima

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Xisbiga Midnimo-Qaran (XMQ) iyo Gudoomiye ku Xigeenka Madasha Midnimida iyo Dimoqardiyada Dr.Abdurahman A Baadiyow iyo Gudoomiyaha Madasha Prime-Minister Dr Abdiwali Sheikh Ahmed, ayaa si wada jir ah u ballan qaaday dhowr qodob oo Somalia wax u tari doona.

Labada mas’uul ayaa maalmahan waxa ay wadeen shirar wada tashi ah oo ujeedadooda tahay sida loo soo celin lahaa midnimada, sharafta, karaamada iyo magaca ummada Soomaliyeed.

Waxaa sidoo kale dadaalladan qeyb ka ah Xildhibaanno, Siyaasiyiin, Xisbiyo iyo Madalo Siyaasadeed; Waxaana dhammaan xubnaha ay ballan qaadeen inay ka wada shaqeynayaan oo ay ku mideysan yihiin:-

1 – Ku dhaqanka sarreynta Dastuurka, Qaanuunka iyo sinnaanta muwaadiniinta

2 – Dhawridda iyo horumarinta Xuquuqda Insaanka iyo karaamadiisa

3 – Dib-u-heshiisiinta dadkeenna iyo soo celinta xuquuqdooda

4 – Xaqiijinta dimoqraadiyadda iyo kaqaybgalka siyaasadda Higsiga 2016

5 – Horumarinta maamul-wanaagga iyo kahortagga musuqmaasuqa

6 – Soo celinta nidaamka kala danbeynta, amniga dalka iyodadka

7 – Horumarinta dhaqaalaha, adeegga bulshada iyo bii’addeena

8 – Soo celinta sharafta, karaamada iyo magaca Soomaliyeed

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News