Dhaqaalihii Bankiga Dhexe oo loo daadgureynayo Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka howlgala Xafiiska Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegaya in inta badan dhaqaalihii ku jiray Bankiga dhexe lagu soo shubay Villa Somalia.

Ilo wareedka ayaa xaqiijiyay in dhaqaalahaasi maalmo kala gooni ah laga soo saaray Bankiga, waxa uuna intaa ku daray in loo adeegsan doono ololaha cusub ee uu bilaabay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh.

Waxa uu sidoo kale sheegay ilo wareedka in amarka lagu soo qaaday dhaqaalahaasi uu bixiyay Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh.

Dhaqaalahaani ayey Madaxtooyada u adeegsan doontaa kala geynta Musharaxiinta la tartameysa Xassan Sheekh, Munaasabadaha lagu taageeri doono, Kalsooni raadinta iyo in loo adeegsado xubnaha muuqda ee kamid noqon doona Baarlamaanka cusub ee xulistiisa ay socto.

Dhaqaalahaani shaqsiga dalka ugu sareeya uu maamulanaayo ayaa ah dhaqaalihii loogu tallo galay in lagu soo celsho bilicda magaalada Muqdisho iyo kaabayaasha dhaqaale, balse waxaa loo adeegsanayaa ololo shaqsiyadeed.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha ayaa dhawaan sheegay in dowladaha caalamka ay ka dalbanayaan inay bixiyaan dhaqaalihii ay horay u ballanqaaden, iyaga oo carab dhabay in qeybo kamid ah la doonaayo in loo adeegsado doorashada.

Ma jirto cid gaar ah oo iska xil saareysa ilaalinta hantida Qaranka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com