Boorsaani oo ka farxiyay Xassan Sheekh kadib markii uu..

Muqdisho (Caasimada Online)-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale, ayaa bilaabay ololaha uu ugu jiray Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud.

Boorsaani, ayaa ololihiisa ka bilaabay isku uruurinta odayaasha dhaqanka Gobolka Banaadir, Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada kuwooda ugu dhaqaalaha badan, isaga oo ka dalbaday in Madaxweynaha dalka loo muujiyo taageero, si uu mar kale usoo laabto.

Kulamo gaar gaar ah oo Boorsaani uu la qaatay odayaasha dhaqanka Muqdisho, gaar ahaan kuwa miisaanka ku dhex leh odayaasha soo xulaaya Baarlamaanka cusub ayaa waxa uu u sheegay in looga baahan yahay in Xildhibaanada ay soo xulayaan ka dhaadhiciyaan in codkooda ay siiyaan Madaxweyne Xassan oo mar kale soo laaban doona.

Boorsaani waxa uu sidoo kale, odayaasha ku wargaliyay inay wada dhigan doonaan Axdi si aan looga gaabin arrinta ku aadan ololaha, isaga oo dhankiisa uga ballanqaaday in qeybqeyb uu ula kulansiin doono Madaxweynaha xiliga doorashada ka hor.

Boorsaani waxa uu odayaasha u cadeeyay in sababta uu usoo xushay ay tahay kalsooni, mid taa lamid ahna uu dhankooda uga baahan yahay si loo meelmariyo dadaalka lagu soo celinaayo Xassan Sheekh.

Sidoo kale, Siyaasiyiinta iyo Ganacsatada ayuu iyaguna ugu baaqay inay kabaan waxyaabaha kale ee khuseeya ololaha, waxaana kamid ah taageerada, abuurista kalsoonida Xassan Sheekh iyo inay soo jiidaan Xildhibaanada Gobolada dalka kasoo gali doona Baarlamaanka oo ay aqoonta u leeyihiin.

Ololaha uu wado Boorsaani ayaa waxaa la sheegay inuu usoo wakiishay Madaxweyne Xassan Sheekh oo rajo ka qaba in mar kale uu xilkaasi qabto.

Madaxweyne Xassan ayaa dhankiisa kasoo dhaweeyay talaabada uu qaaday Boorsaani, waxa uuna ka dalbaday inuu sii laba jibaaro si uu mar kale u hanto kursiga Qaran.

Ma cadda in Odayaasha dhaqanka ee uu la kulmay Boorsaani ay hirgalin doonaan axdiga ay wada galeen iyo in kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com