XOG: Tedros oo Soomaaliya u qodaaya godkii lagu aasi lahaa

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka heleyno ilo wareedyo ka tirsan Hay’adaha amniga Qaranka Somalia, ayaa sheegaya in dowlada Ethiopia ay wado dadaalkii ugu danbeeyay oo ay kula wareegi laheyd amniga Somalia.

Ilo wareedka ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay hirgalinta dadaalkaasi u wakiilatay Wasiirkooda Arimaha dibada Dr Tedros Adhanom.

Tedros oo dadaalkaasi ka dhabeynaaya ayaa warqado kala duwan gaarsiiyay Dowlada Somalia, Taliska guud ee AU-da, Wakiilada reer galbeedka ka jooga Somalia iyo dhinacyada kale ee daneeya arrimaha Somalia.

Tedros ayaa dhinacyadaasi ka dalbaday in dowlada Ethiopia lagu wareejiyo booska AMISOM, waa haddii ay jirto dhaqaali xumi soo foodsaartay Taliska guud ee ciidamada AMISOM.

Tedros waxa uu dalabkiisa ku qeexay in dowlada Ethiopia ay awood u leedahay inay buuxiso booska dhammaan ciidamada AMISOM, isaga oo codsigiisa ku daray in dhaqaalaha ku bixi doona howlgalka ciidamadooda aan laga rabin caalamka balse ay iyaga la bixi doonaan, haddii loo suuragaliyo in amaanka Somalia lagu wareejiyo dowlada Ethiopia.

Waxa uu sidoo kale, dalabkiisa ku xusay in dowlada Ethiopia ay Somalia u heyso ciidamo ku filan oo hanakara amniga Somalia, isaga oo taasi ku micneeyay in Ethiopia ay kasoo horjeedo in ciidamada AMISOM badelkooda la waayo.

Sidoo kale, Wasiirka Arimaha dibada Dr Tedros Adhanom, waxa uu dardar galinta arrintaani u magacaabay Guddi aan sidaa u tirabadneyn kuwaasi oo laga soo dhex xulay Saraakiisha Ethiopia ka joogta Somalia, si looga marro dhaliyo hadafkooda.

Dowladaha ciidamada ka jooga Somalia ee leysku yiraahdo AMISOM, ayaa dhawaan sheegay inay ka fiirsanayaan in ciidamadooda ay kusii jiri doonaan Somalia iyo in kale maadaama aysan heysan dhaqaalihii ku bixi jiray ciidankooda.

Geesta kale, qorshahaani oo aan horay warbixin uga qornay ayaa waxa uu Somalia u horseedi doonaa Gumeysi iyo magac xumi hor leh, waxa ayna dowlada Ethiopia dadaal ku bixineysaa sida ay ku baabi’in laheyd magaca Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com