Keating oo la gaarsiiyay warqado sir oo laga qaaday Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay xubno ku dhow dhow wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia, ayaa sheegaya in Warqado sir ah oo laga qaaday Villa Somalia la gaarsiiyay Danjiraha QM u fadhiya Somalia Michel Keating.

Warqadahaani sirta ah ayaa la sheegay inay yihiin kuwo lagu diyaariyay qorshaha lagu dib dhigaayo doorashada Somalia, sida aan xogta ku helnay.
Warqadahaani ayaa la sheegayaa in laga sameeyay Copy isla markaana nuqulo kamid ah la geeyay Xafiiska Mr Keating si Madaxtooyada Somalia loogu marqaati furo qorshaha cusub oo ay ku dooneyso in doorashada lagu gaarsiiyo bilaha ugu danbeeya ee sanadkaani.

Ilo wareedka aan xogtaani la wadaagnay ayaa sheegaya in warqadahaasi ay yihiin kuwo aan khuseyn Hoggaamiyayaasha maamulada dalka, balse ay yihiin kuwo u gaar ah Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha, waxa ayna xogtu intaa kusii dareysaa in xogtaani aysan dhaafsiisneyn ilaa lix mas’uul oo ay ku jiraan Xassan iyo Sharmaarke.

Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh Maxamuud ayaa xoogiisa isugu geeyay sida uu ku hergalin lahaa wakhti kororsi, waxa uuna arrintaani la kaashanayaa keliya xubno isaga ku dhow dhow si qorshihiisa uu u hirgaliyo.

Beesha Caalamka ayaa iyana kasoo horjeeda in dib u dhac lagu sameeyo xiliga lagu ballamay in la qabto doorashada dalka.

Geesta kale, waxaa adag in wax laga ogaado talaabada ay qaadi doonaan dowladaha fangareeya Siyaasada DFS, waxaana suuragal ah in qorshaha Xassan Sheekh uu fashilmo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com