Damjadiid oo Hiiraan ka billowday cadaadiska musharaxiinta (Xog)

Beledweyne (Caasimada Online)- Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa magaalada Beledweyne ka mamnuucay in shirar aysan ka warqabin lagu qaban Karin hoteelada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay ineysan marnaba aqbali doonin in hoteelada magaalada Beledweyne lagu qabtaa shirar aysan ka warheyn, sida ay sheegeena ay la xisaabtami doonaan.

Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagardabageed ayaa sheegay iney doonayaan in laamaha amaanka iyo maamulka gobolka Hiiraan ka warhayaan shirarka ka dhacaya magaalada Muqdisho, waxaana ay u muuqataa mid ay ku cunuqabateynayaan musharixiin ku sugan magaalada Beledweyne.

“Shir aan naloo soo sheegin waxa looga hadlaa, meesha lagu qabanaa iyo saacadda laqabanaa naloo sheegin, amnigiisana annaga wakiil ka ahayn, annaga waan diideynaa waana kahor tageynaa, annaga wax walbo oo macquul ah waan ogolnahay, dadka in danahooda ka hadlaan waan ogolnahay”

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu sheegay ineysan yeeli doonin in shacabka Hiiraan meel la iskugu geeyaa oo waxyeelo ay soo gaartaa dadka shacabka ah.

“Laakiin ma yeeli donno in annaga oo aan ogeyn bulshada la isku keenno, reer Hiiraan gobolkaan waa uu naga dhaxeeyaa, waxaan ku wada joogi karnaa, ku wada seexan karnaa nabad markii la helo, annaga wareegto ayaan horay usoo saarnay annaga oo uga jeedno inaan sugno bulshadaan aan mas’uulka ka nahay amnigeeda, dad badan ayaa si kale u turjumay amaradeena oo waxay dheheen dadka ayaa la caburinaa” ayuu yiri Dabageed.

Caasimada Online
Xafiiska Hiiraan
Caasimada@live.com