Generaalo sumcad ku dhex lahaa dalka Turkiga oo si lama filaan ah isku casishay + Sababta

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa is casishay labo General oo ka mid ah saraakisha ugu sarsareysay ciidamada dalka Turkiga kadib markii ay ka carooden shaqo ka fariisinta ay dowlada Turkiga ka fariisisay saraakiil badan oo ka tirsan ciidamada Turkiga.

Generaalada xilkooda iska casishay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Kamil Basoglu iyo Ihsan Uya oo kawada tirsan Milliteriga dalkaasi.

Is casilaada labadaani Generaal ayaa timid saacado ka hor Kulan ay Golaha Sare ee Milliteriga dalkaasi kaga hadli lahaayen dadaalka dib u hagaajinta Nidaamka Ciiddamadda dalkaasi.

Kulanka golaha sare ee ciidamada ayaa la soo hormariyay muddo toddobaad ah iyadoo hore loo qorsheeyay in bilowga bisha August uu dhaco balse lama shaacin sababaha dhabta ah ee loo soo hormariyay.

Dowlada Turkiga ayaa waxa ay shaqada ka eriday ciidamo gaaraya 1,223 kuwaasoo ay ka mid ahaayeen 130 general tan iyo markii uu dhicisoobay afgambiga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com