Muxuu Xildhibaan Cumar Finish ka yiri DOORASHADA 2016-ka?..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Finish” oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa quus kasii muujiyay in doorashada sanadkaan ay ku dhacdaa waqtigii loo qorsheeyay.

Xildhibaanka ayaa rajada ugu xun muujiyay kadib markii sida uu sheegay la fulin waayay jadwalkii loogu talo galay doorashada sanadkaan ka dhaceysa dalka Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ka niyad jabeen doorashada sanadkaan dhaci laheyd.

Xildhibaanka Wuxuu sheegay in bisha lagu balamay doorashada ay soo dhawaatay, walina aysan muuqan wax dhaqdhaqaaq ah oo ku aadan doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyo dhismaha labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya.

“Runtii markaan fiirinno sida ay hadda wax u socdaan ee gaabiska ah, iyo watqigii oo hoosta naga soo galay ilama ahan aragti ahaan in hadda doorasho laga gaarsiin karo August iyo September laakiin kama hordhaceyno ee waxaan ka war sugeynaa guddiga loo xilsaaray”ayuu yiri Xildhibaanka.

Xildhibaanka wuxuu sheegay ineu jiraan caqabado badan oo horjeesadaya iney baaqat o doorashada Sanadkaan, wuxuuna midda ugu horeysa ku sheegay iney tahay in meel ano la’aan ah aysan doorasho ka dhici karin.

“Sababo badan ayaa keenay, doorasho kama qabsoomi karto meel aan amni ahayn oo dowladda koontaroolin, meello ka mid ah dalka ma maamusho dowladda oo waxaa maamula kooxo nabadda kasoo horjeeda, meello kale oo dowladda gacanta ku haysa laakiinse amniga aanu saamaxayn in doorashooyin ka qabsoomaan wey jiraan, sidoo kale waxaa jirta maamul sheegay in Soomaaliya ay ka go’een lana rabay in doorasho ay ka dhacdo” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay xildhibaanka.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com