Xog: Boorsaani oo qodobkii uu ku fashilmay shaaca ka qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ”Boorsaani” ayaa sheegay inay jiraan waxyaabo farabadan oo fashilinaaya shaqooyinka uu maamulkiisa hayo.

Boorsaani waxa uu sheegay inuu la socdo talaabo waliba oo ka dhextaagan xarumaha Gobolka waxa uuna cadeeyay inay jiraan khilaafyo badan oo ka dhextaagan mas’uuliyiin ka tirsan maamulka iyo dad shacab ah.

Boorsaani waxa uu sheegay in Fashilka ugu weyn ee heysta maamulkiisa uu yahay kan la xiriira arrimaha is qab qabsiga dhulalka.

Badaale waxa uu tilmaamay in ay jiraan iskadaba wareeg baahsan ee la xiriira Kiisaska Dhulalka iyo Cadeymahooda sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuuna sheegay in si xal ay ugu helaan Kiisaskaas ay joojiyaan dacwad kasta oo la xiriira arrimaha Muranka Dhulka.

Boorsaani waxa uu sheegay inay jiraan dhibaatooyin farabadan ay dadka shacabka ah ka tabanayaan maamulka, isaga oo cadeeyay in tabashadaasi xal looga gaarikaro in laga fiirsado kiisaska.

Haddalka Boorsaani waxa uu kusoo aadayaa xili inta badan xubnaha ugu sareeya qeybaha Khilaafaadka dhulalka lugu eedeeyo inay iibsadaan kiisaska dacwadaha iyaga oo qaata dhaqaale is afgarad ah.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com