Wasiir ka tirsan DF oo ka hantiyay gargaarkii dadka liita (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dhanka Wasaarada arrimaha Gudaha Xukuumada Somalia, ayaa sheegaya in mas’uuliyiin ka tirsan Wasaarada ay boob u geysteen gargaarkii dhawaan ay Somalia ka gudoontay dowlada Turkiga.

Wararku waxa ay sheegayaan in seddex meelood hal meel iyo bar gargaarkaasi uu boobay Wasiiru-dowlada Arimaha Gudaha Somalia Abdirashid Mohamed Xiddig.

Xidig ayaa inta ugu badan gurmadkaasi ku shubay magaalada Kismaayo, halka qeybta kale uu u iibgeeyay goobaha ganacsiga isaga oo adeegsanaaya xubno firfircoon oo arrintaasi kala shaqeynaayay.

Xidig ayaa la sheegay in boobka ugu horeeyay uu ka geystay bartamaha Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, isaga oo halkaasi ka rartay ilaa 9 gaari oo mucaawino ah, kuwaasi oo aan gaarin dadkii loogu tallo galay.

Goobjoogayaal lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Sagaalkaasi gaari ee siday gargaarka lagu shubay Suuqa weyn Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, waxaana boobka gargaarka dhibanayaasha loogu tallo galay ku wehlinaayay xubno kale oo ka howlgala Wasaarada.

Xidig ayaa sidoo kale, la sheegay in gaadiid farabadan uu Dekadda uga raray Hay’adda NGO ah oo arrimahaasi ka shaqeysta kuwaasi oo ay leeyihiin xubno ku dhow dhow Xidig islamarkaana xulufo la ah.

Boobkaani ayaa waxa uu barbar socdaa Boob kale uu u geystay Mucaawinadii ka horeysay tan iminka leys dibmariyay.

Boobkaani ayaa waxa uu iska horkeenay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Somalia C/raxmaan Odawaa iyo Wasiiru-dowlada Abdirashid Mohamed Xiddiig, kadib markii Odawaa uu kawarhelay boobka.

Inta badan gargaarka Dowlada Somalia ay ka hesho dowladaha Saaxiibada la ah ayaa u gacan gala Kooxo isugu jira Wasiiro iyo Agaasimayaal ka macaasha boolida.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com