Xog: Xasan Sheekh oo xil cusub u magacaabaya Jen. Muungaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu wado dadaal uu xil ugu magacaabaayo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Madaxweynaha ayaa la sheegay in Mungaab uu u ballanqaaday inuu kasoo dhexmuuqan doono dowladiisa, waxa uuna qorshaha ugu weyn uu yahay in Muungaab loo magacaabo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Cadaaladda ee xukuumadda Somalia, sida ay xogta sheegeyso.

Xilka uu Xassan Sheekh la doonaayo Muungaab ayaa waxaa sabab looga dhigay heshiis hoosaad dhexmaray labada Mas’uul, waxa uuna Xassan Sheekh xilkaasi ku bedelan doonaa hirgalinta qorshooyin gaar ah oo aan la cayimin.

Sidoo kale, Xassan Sheekh waxaa horyaal ilaa 3 xil oo Wasiiru-dowle ah waxaana mar waliba suuragal ah in Muungaab uu noqdo Wasiiru-dowle aan kaasi aheyn.

Xil magacaabida Xassan Sheekh ayaa kusoo biya shubatay gaarista maslaxadiisa gaarka ah, iyadoo ay meesha ka baxday howlihii Qaranka.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com