Tedros oo olole aad u ballaaran ugu jira inuu madax ka noqdo…

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda Ethiopia Dr.Tedros Adhanom, ayaa si rasmi ah u bilaabay ololihii uu ku gaari lahaa Kursiga ugu sareeya ee Ururka Caafimaadka Adduunka.

Tedros Adhanom, ayaa helay kalsoonida dhowr dowladood oo iyagu xaq u leh xulashada madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka.

Tedros oo ololaha ku guda jira ayaa helay ogolaanshaha rasmiga ah ee Midowga Afrika, oo damaanad qaadeso ku dhawaad 54 cod oo ah dawladaha afrikanka, sida ay qoreen warbaahinta.

Waxaa jira xuno Tedros ku heysta xilkaasi waxaa socda ololo lid ku ah Tedros oo ay wadaan tirro dowlado ah oo iyagu kursigaasi la doonaaya Tedros.

Tedros ayaa iminka heysta kalsoonida ugu badan ee dowladaha Africa, marka laga reebo dhowr dal oo cagsi ku ah dowlada Ethiopia.

Dowlada Ethiopia ayaa miisaankeeda isugu geysay inay hantiso xilalka ugu sareeya Ururada waaweyn oo ay ku mideysan yihiin dowladaha Africa.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com