Muxuu XASAN SHEEKH ka yiri xiriirka SOMALIA iyo caalamka?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay heerka uu gaarsiisan yahay xiriirka Somalia kala dhexeeya Caalamka.

Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in dowladiisu ay muhiim u tahay inay xoojiso xiriirka kala dhexeeya dowladaha caalamka, waxa uuna tilmaamay in xiriirkaasi uu waxbadan ka bedeli doono xaalada dhabta ah ee Somalia ka taagan.

Waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in la xoojiyo xiriirka caalamka ee ku aadan dhanka waxbarashada iyo wax waliba oo wax tar u leh Umadda Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

Xassan waxa uu sheegay in dowladda Somalia muhiimad dheraad ah siin doonto sidii xiriir adag ay ula sameyn laheyd dalalka ku horamaray cilmiga iyo wax soo saarka.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dalka uu ka soo gudbay marxaladdo adag oo uu soo maray tan iyo markii uu dalka galay xaalad kala guur ah.

Dhanka kale, waxa uu carabka ku dhuftay in mudada kooban ee u harsan uu dhameystiri doono inta ka harsan xiriirka Somalia kala dhexeeya caalamka intiisa kale.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com