Xasan oo shaaca ka qaaday inay dowladdiisa wali ku guuleysan…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisu aysan wali ku guuleysan hagaajinta Siyaasada dhabta ah ee Somalia.

Madaxweyne Xassan waxa uu tilmaamay in xiliga la joogo ay aheyd in laga taqlusiyo Siyaasada gaaban ee aan dalka baahi tirikarin loona gudbo Siyaasad dhameystiran oo dalka ku baahda.

Waxa uu sheegay in dowladiisu aysan wali gaarin heerkii laga filaayay inay ka gaarto Siyaasada dalka, waxa uuna carabka ku dhuftay in loo baahan yahay Siyaasad dhameystiran oo ka dhaqangashaa Somalia.

Waxa uu cadeeyay in dowladiisu ay waxbadan isku taxluujisay inay dhaqan galiso, balse mida ay u maaro weysay ay tahay hagaajinta dhanka Siyaasadda.

Xasan Sheekh waxa xusay in Caqabada koowaad ee Somalia hortaala ay tahay Siyaasadda islamarkaana loo baahan yahay in la hormariyo Siyaasada si waxa dhiman looga guul gaaro.

”Waxaan qirayaa in dhibaatada ugu weyn ee Somalia heysata ay tahay siyaasad xumo, waxaa nalaga rabaa in aan hagaajino siyaasadeena oo aan la imaano qodobo cad cad”

Madaxweyne Xassan waxa uu si ganbasho la’aan ah u cadeeyay in dowladiisu ay ku fashilantay inay hagaajiso dhanka Siyaasadda, balse waxa uu bidhaamiyay in wakhtiga uu ka badan yahay.

Si kastaba ha ahaatee, haddalka Madaxweyne Xassan ayaa kusoo aadaya iyadoo dowladiisa lagu dhaliilo inay hagaajin weysay Amniga, Siyaasada iyo Horumarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com