Puntland oo u hanjabtay Somaliland iyo xiisad cusub oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa hanjabaad kale u jeediyay maamulka Somaliland, waxaana Puntland ay sheegtay ineysan u dulqaadan doonin daandaansiga ay wadaan saraakiisha ciidamada Somaliland.

Gelinkii dambe ee shalay kulan ay yeesheen golaha wasiirada Puntland ayaa waxay kasoo saareen digniin kama dambeys ah oo ay u jeediyeen Somaliland oo ku aadan iney joojiyaan dhaqdhaqaaqa ciidan ee ka taagan deegaanada Sool iyo Sanaag.

Wasiirada maamulka Puntland ayaa sheegay in wax walbaa oo ka dhaca deegaanada xiisadaha colaadeed ay ka taagan tahay masuuliyadeeda ay qaadayaan maamulka Somaliland.

“Waxaan caddeynaynaa in Puntland aanay marnaba u dulqaadan doonin daandaansiga maamulka Hargeysa uu ka wado gobollada Sool iyo Sanaag, Puntland waxay kaloo caddeenaysaa in aysan raali ka ahayn tirakoob maamulka Hargeysa ka sameeyo gobollada Sool iyo Sanaag”

Dagaal u dhaxeeyay maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa dhawaan ka dhacay deegaano ka tirsan gobolka Sanaag, waxaana dagaalkaasi ku dhintay dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah.

Wararka naga soo gaaraya deegaanada Sanaag ka tirsan ayaa sheegaya in xiisad ay ka taagan tahay deegaanadii lagu dagaalamay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com