Sawirro: Sidee loo gubay goobaha ganacsi ay Soomaalida K/Afrika?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika, ayaa sheegaya in deegaano halkaasi ku yaalla lagu gubay dukaaman ay lahaayen ganacsato Soomaaliyeed iyo dad kale oo ajanabi ah.

Goobahaani ganacsi ayaa waxaa lagu gubay deegaanka Mbkweni oo aan sidaa uga sii fogeyn magaalada Cape Town kadib markii shacab careysan dibad baxyo ka dhigeen.

Rabshadahaasi ayaa waxaa ka dhashay in la boobo qaar kamid ah dukaamada, halka qaarka ugu badana dab la qabadsiiyay.

Inta badan dukaamada la gubay ayaa waxaa lahaa ganacsato Soomaaliyeed, waxa ayna sheegeen ganacsatada in aysan waxba kala bad baadin hantidooda.
boob2

boob3

boob4

boob5

boob1