Dhaqtar iyo Macallin walaalo ah oo hal goob lagu dilay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay saqdii dhexe maleeshiyaad hubeysan ay dil ka gaysteen tuulada Ilix oo hoostegta degaanka Ceeldheer oo 30 KM u jira Dhuusamareeb.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa in loo gaystay Macallin dugsi qur’aan iyo dhaqtar, kuwaas oo la sheegay inay ahaayeen walaalo isla dhashay.

Labada marxuum ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Dr. Axmed Xasan Cismaan iyo walaalkiis yar Macallin Liibaan Xasan Cismaan, sida ay innoo sheegeen dadka deegaanka.

Dr. Axmed oo batay daaweynta Ilkaha ayaa dhawaan booqasho u aaday qoyskiisa, halka Macallinka uu ahaa wadaad caan ka ah deegaanka oo dhigi jiray Qur’aanka Kariimka.

Maleeshiyaadka dilka gaystay ayaa goobta isaga baxsaday, kuwaas oo labadaan wiil ee walaalo ah u beegsaday aano qabiil darteed, sida aanu kasoo xiganay dadka deegaanka.

Dilka Dhaqtarka iyo Macallinka ayaa argagax ku reebay ehelladooda iyo dadka degan tuulada, maadaama ay lasoo daristay cabsi aad u xoogan.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana sidoo kale dhacdadaan ku baxay ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo haatan baadi goobaya raggii ka dambeeyay falkaasi argagaxa leh.

Galmudug ayaa waxaa maalmihii u dambeeyay kusoo badanayay dhacdooyinka dilalka ah ee salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana ugu dambeeyey dilkii Dhuusamareeb loogu gaystay Sheekh Xasan Diirshe iyo Saciid Tahliil oo kasoo jeeda magaalada Cadaado.