Dhaxal-sugaha Imaaraadka Carabta oo wajahaya kiis maxkamadeed oo caalami ah

Paris (Caasimada Online) – Warbaahinta Faransiiska ayaa xaqiijsay in cabasho laga diiwaan geliyay dhaxal sugaha Imaaraadka Carabta, iyadoo lagu eedeeyay jir-dil iyo dad lagu waayay dagaalka ka socda dalka Yemen.

Eedaha ka dhanka ah Maxamed bin Zayed waxaa sameeyay Xulifadda Caalamiga ah ee Difaaca Xuquuqda iyo Xoriyadda iyo lix qof oo u dhashay dalka Yemen, kuwaas oo muujiyay in jir-dil iyo xadgudub loogu geystay xabsi Imaaraadku maamulo oo ku yaalla Yemen.

Isagoo adeegsanaya awooddiisa military, Bin Zayed waxaa lagu eedeeyay in uu “ku lug lahaa jir-dil” ka dhacay Yemen. Maxkamadaha Faransiiska ee la shaqeeya garsoorka caalamiga ah ayaa leh awood ay dacwad ugu soo oogi karaan, isla markaana ku xukumi karaan dambiileyaasha, haddii ay joogaan dalka Faransiiska.

Le Monde oo ah wargeys galab walba kasoo baxa Faransiiska ayaa xaqiijiyey in cabashadda la marsiiyay nidaamka dacwada madaniga ah ay keeni karta baaris garsoor. Si kastaba, su’aasha xasaanadda diblomaasiyadeed ee dhaxal sugaha Abu Dhabi ayaa weli laga doodayaa waxaana go’aan ka gaari doona garsooraha baaritaanka sameynaya.

“Macaamiisheydu wey ku qanacsanyihiin billowgaan waxayna rajo weyn ka qabaan cadaaladda faransiiska,” ayuu yiri Joseph Barham oo ah qareenka dadka dacwadda gudbiyay. “ Waxay si gaar ah u diideen ficiladda jirdilka ee ciidanka Imaaraadka Carabtu ay ku geysteen meel dadka lagu xiro”

Wargeyska Faransiiska ayaa wariyay in mid ka mid ah dhibaneyaasha uu sharaxay in la xiray isagoo ka shaqaynaya sii deynta dad ay xireen ciidanka Imaaraadka Carabta. Waxaa uu sheegay in lagu riday meel god ah oo lagu hayay muddo 48 saac ah, iyo in lugahiisa iyo gacmihiisana fiilo la iskula xiray ka hor “inta aan dharka laga siibin”. Waxaa uu sidoo kale xusay in koronto lagu dhejiyay islamarkaana sigaar lagu gubay.

Sida qareenku sheegay, kiiska waxaa lagu dhisay heshiiska Qaramadda Midoobay ee ka dhanka ah jir-dilka. Dacwadda ka dhanka ah Bin Zayed waxay ku saleysantahay warbixin ay diyaareen qubaro ka tirsan Qaramadda Midoobay, taasi oo cadeysay in weeradda ay Yemen ka geysanayaan xulifadda uu Sucuudigu hogaaminayo ay isu bedeli karaan dambiyo dagaal, islamarkaana uu jil-dil ka dhaco laba xarumood oo ay maamulaan ciidanka Imaaraadka.

Urur fadhisiigu yahay Geneva oo lagu magacaabo SAM una dooda xuquuqda iyo xoriyadda ayaa soo dhaweeyay baarista Faransiisku ku bilaabay Dhaxal Sugaha Imaaraadka. “Go’aanka billowga baarista waxaa uu fariin cad u dirayaa dhamaan dhinacyadda ku lugta la heh xadgudubyadda xuquuqda aadanaha ee Yemen,” ayaa lagu yiri war saxaafadeed uu ururku soo saaray. “Waxaan ku dhiiri gelineynaa dhamaan dhibaneyaasha in ay cabsida ka baxaan oo ay soo gudbiyaan kiiskaan oo kale” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Ururadda xuquuqda aadanaha waxay diiwaan geliyeen xadgudubyo laga naxo oo xaasidnimo leh oo ay koofurta Yemen ka geysteen ciidanka Imaaraadka Carabta iyo ciidan ay Imaraadku taageeraan intii u dhaxaysay 2017-kii iyo 2020.