Xog: Gaadiid loogu talogalay HirShabelle oo la weysan yahay cid lagu aamino

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshey Caasimada Online ayaa sheegeysa in gaadiid cusub oo gaaraya ilaa 12 gaari islamarkaana loogu talagalay maamulka HirShabelle la weysan yahay cid lagu aamino oo loo dhiibo.

Gaadiidkaan oo ah deeq loogu talagalay maamul gobaleedyada, oo ay bixineyso hay’adda UNDP, ayaa la sheegay in ay yaalaan xafiiska Qaramada Midoobay ee Xalane, waxayna qeyb ka yihiin gaadiid kale oo hore loogu wareejiyay maamulada qaar.

Sababta looga fakarayo qofkii lagu aamini lahaa ayaa lagu sheegay in ay tahay, in si shaqsi ah loo isticmaalay gaadiid hore oo sidaan oo kale loogu wareejiyay.

Ilaa 7 gaari oo qooqan ah, ayaa hore loogu wareejiyay HirShabelle waxaana la sheegay in ay kala qaateen Madaxda ugu sareysa maamulka iyo laba wasiir oo aan hadda maamulka ka tirsaneyn.

Deeq bixiyaashaan ayaa ka fikiraya qof lagu aamino oo xafida hantidaan oo noqon doonto hantida maguurtada ah ee HirShabeelle, waxaana soo baxaya in ay jiraan doodo arintaan la xariirta.

Maamulka HirShabeelle ayaa waxaa la sheegaa inuu hareeyay musuq maasuq iyo maamul xumo weyn, taas oo dib u dhigtay hormarkii maamulka iyo aaminaada HirShabelle.

Waa mid ka mid ah maamullada ugu liita dalka wax qabad ahaan, waxaana madaxdooda badankood ay degan yihiin Muqdisho, oo xitaa kama war hayaan deegaanada ay maamulaan.