Masar oo abuureysa xulufo cusub oo ka dhan ah Turkey

Qaahira (Caasimada Online0 – Masar ayaa taageero ka raadineysa dalal carbeed oo deris la ah, oo ay ku jiraan Jordan iyo Maamulka Falastiin, si ay u wajahdo muranka kala dhexeeya Turkiga.

Dowladda Jordan ayaa u soo bandhigtay in ay dhex-dhexaadiso labada dal.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Masar Samex Shukri ayaa kulamo is xig-xigay gobolka kula yeeshay madax kala duwan oo uu ugu dambeeyay Madaxweynaha Falastiin Maxamuud Cabbaas oo uu kula kulmay Rammallah.

Waxay labadoodu ka wada-hadleen isbedeladii dhowaan ka dhacay ee gobolka, iyagoo diiradda saaray qorsha Israa’iil ee goosashada qaybo ka mid ah Daanta Galbeed iyo, sidoo kale xiriirka u dhexeeya Maamulka Falastiin iyo Masaarida.

Sida uu wariyay Jerusalem Post, saraakiil ka tirsam Maamulka Falastiin ayaa shaaca ka qaaday in booqashada Shukri looga wada-hadlay xiisadda ka taagan Liibiya ee u dhaxaysa Masar iyo Turkiga.

Masar waxay raadisay taageerada Falastiin iyo dalal kale oo carbeed. Waxaana la sheegay in maamula Falastiin uu taas diiday sababo la xiriirta in Masar ay ku guul darreystay in ay Falastiiniyiinta ku taageerto dadaalkooda ka dhanka ah qorsha dhul goosiga Israa’iil iyo “Heshiiska Qarniga” ee Maraykanka.

Ramalla ka hor, Shukri waxaa uu booqday Jordan, wuxuuna si gaar-gaar ah ula kulmay Boqor Cabdalla iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda Ayman Safadi.

Kulanka uu boqorka la yeeshay waxaa uu ku saabsanaa isbedellada gobolka, oo ay ku jirtay arrinta Falastiin. Shukri waxaa uu sidoo kale Jordan ka raadiyay taageero ka dhan ah Turkiga.

Shir-saxaafadeed ay si wadajir ah Amman ugu qabteen, Shukri iyo dhiggiisa Safadi waxaa uu ku sheegay in “taageeradda military ee Turkigu siinayo dowladda Liibiya ay khatar halis ah ku tahay carabta iyo amniga qaranka Masar,” isla markaana Masar ay qaadeyso tallaabo ay amnigeeda ku xaqiijineyso.

Tallaabooyinka uu soo jeediyay wasiirka arrimaha dibadda Masar waxaa ka mid ah fargelin military in ay dowladiisu ku sameyso Liibiya si ay u taageerto garabka Jeneraal Khaliifa Hafter.