Madaxweyne Farmaajo: “Waxaan dib ugu laabanayaa baarlamanka”

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo caawa khudbad ka jeediyey magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay arrimaha doorashada dalka, waxuuna sheegay in kursiga uu ku yimid doorasho dadban oo lagu qanacsanaa, balse haatan loo baahanyahay inay doorashadu ku dhacdo si ka duwan sidii hore, iyadoo la raacayo dastuurka.

“Markii la i doortay waxaa naloo xilsaaray in aan dalka gaarsiino doorasho toos ah , afar bilood markaan joognay waxaan sameynay guddi, kaas oo ay ku midoobeen dowladda federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, mudo hal sano ah ayuu guddigaasi shaqeynayey, afar ajende ayaana u dirnay, kuwaas oo kala ah, doorasho qof iyo cod ah iyo qaabkii loo geli lahaa, kheyraad qeybsiga, dhameystirka dastuurka iyo arrimaha garsoorka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxdweynaha ayaa sheegay in waqti hore ay bilaabeen diyaarinta doorashada, isla markaana sharcigii doorashada ee uu soo diyaariyey guddigaas ka kala socday dowoladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ay anxisiyeen golaha wasiirrada, sidaas loogu gudbiyey baarlamaanka federaalka.

“Sharcigii anagu aan soo diyaarinay ayey mudo heysteen, waxayna soo saareen mid ka duwan, oo aan shaqo ku laheyn kii aan soo diyaarinay, anigu hal qof oo aan wacay ma jiro oo aan ku iri ‘warkii anagu aan keenay ayaa roonaaye maad kaas qaadataan’ iyagoo  wax nagala cararaaya ayey lasoo baxeen kan hadda yaalla, waxaa la lahaa madaxweynuhu waa diidi doonaa, maadaama kii hore uu ahaa sharci uu isagu soo diyaarsaday, laakiin umadda Soomaaliyeed waxaan u cadeeyey sharcigu kii aan soo diyaarinay in uusan aheyn, balse aan saxiixay” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in baarlamaanku uu keenay sharci aysan hubin inay ku soo noqon doonaan, balse ay faa’iidadiisu tahay in shacabku fursad heli doono, sida uu sheegay.

“Baarlamaankii oo leh sharci ayaan diyaarinay, guddigii doorashooyinka oo leh waan qaban karnaa doorashada iyo dowlad goboleedyada oo leh xaaladdii lagu qaban lahaa doorasho noocaas ah ma joognaa? Doodu halkaas ayey hada noo taagan-tahay, waxaana isku afgaranay in aan wadno doodaas” ayuu yiri madaxweynuhu.

Madaxweynaha ayaa sheegay inay wajiga sedaxaad ee shirka isugu soo laaban doonaan, iyagoo maskax furan oo qof walbana uu lasoo tashaday dadkii uu kasoo tegay, si xal buuxa ay u raadiyaan madaxdu.

“Anigu dib ayaan ugu laabanayaa baarlamaankii waxaan u bandhigaa waxaan ku soo sheekeysanay saaxiibadey, madaxda kalena dadkoodii ayey dib ugu noqonayaan, waana isu-soo noqoneynaa anagoo maskax furan oo shaqeyn kara wax danteena ka weyn” ayuu hadalkiisa kusii daray.

Madaxweynaha ayaa u mahad-celin dheer kadib xukuumaddiisa ku amray in Galmudug ay siiso muhiimad gaar ah, “Kulankan waxaa uu ku soo daaday, iyadoo ay naga baaqdeen dhowr kulan, waan uga mahad celinayaa madaxweyne Qoor Qoor oo joogay lix bilood in uu suurta geliyey oo qaatay mas’uuliyadaas xooga leh” ayuu yiri.