War-murtiyeed ka kooban 8 qodob oo laga soo saaray shirka Dhuusamareeb

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka kooban sideed qodob ayaa laga soo saaray shirka madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada uga socvda magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Shirkan oo ay isugu yimaadeen Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Madaxweynaha Jubbaland iyo Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxweyne Farmaajo.

Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana ka soo baxay:

WAR-MURTIYEED

Shir Madaxeed ay isugu yimaadeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah, kana dhacay magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowladda Galmudug 19–22 Luuliyo, 2020. Shirka ayaa waxaa guddoominayay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaana ka soo qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Madaxweynaha Puntland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagaren, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare.

Shirka ayaa waxaa looga wada hadlay xaaladda siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee dalka Soomaaliya, waxaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha doorashooyinka dalka, waxaana ka soo baxay;

  1. Waxaa shirku adkeeyay midnimada iyo wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed
  2. Shirku wuxuu isku raacay in lasii dardargeliyo wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee xasilinta dalka iyo la dagaallanka argagixisada.
  3. Shirku wuxuu kale oo isla gartay in lasii xoojiyo arrimaha horumarinta dhaqaalaha iyo geeddi socodka dhammeystirka dayn-cafinta Soomaaliya.
  4. Madaxdu waxay isla meel dhigeen inay dalka ka dhacdo doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda oo lagu wada qanacsan yahay.
  5. Madaxdu waxay ku heshiiyeen in la sameeyo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladaha Xubnaha ka ah. Guddigaas oo ka soo baaraandagi doona talooyin la xariira hannaanka iyo habsami u socodka doorashooyinka dalka.
  6. Madaxdu waxay isku raaceen in shirka labaad la isugu yimaaddo Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug muddo labo toddobaad gudahood ah si loo dhammeystiro geeddi socodka doorashooyinka dalka.
  7. Shirku wuxuu uga mahad celiyay Dowladda iyo Shacabka Galmudug soodhaweynta diirran iyo martigelinta wanaagsan ee ay u sameeyeen Madaxda iyo wufuudda Soomaaliyeed ee kasoo qeyb galay shirka. Sidoo kale, shirku wuxuu bogaadinayaa dib u heshiisiinta ka hana qaadday Galmudug-ta cusub taasoo ay ka dhalatay in ay martigeliso shirkan wadatashiga ah ee looga tashanayo aayaha Soomaaliya. Taasi waxay ku timid hoggaaminta wanaagsan ee Madaxda iyo biseylka ay gaareen shacabkeeda si nabadda iyo horumarka salka loogu dhigo.
  8. Ugu dambeyntii, shirku wuxuu u mahadceliyay Beesha Caalamka kaalinta muuqata ay ka geysanayaan dib u dhiska iyo horumarinta dowladnimada Soomaaliya.

—-DHAMMAAD–