Dowladda Jabuuti oo war cusub kasoo saartay wada-hadallada DF iyo Somaliland

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii u horeysay ka hadashay dib u dhaca ku yimid wada-hadalladii Somaliland iyo Soomaaliya ee loo balansanaa inay dib uga furmaan dalkaasi, kuwaasi oo u dhaxeeyay guddiyadii farsamo ee labada dhinac u magacaabeen.

Wasiirka arrimaha dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay inay dib u furmayaan wada-hadalladaasi, wallow uusan si cad u sheegin xiliga ay dib u furmayaan, maadama labada dhinaca uu ka muuqdo cago-jiid badan.

Wasiirka ayaa madaxda labada dhinac ku booriyey in gebi ahaanba laga gudbo caqabadaha hakadka gelinaya geedi socodka wada-hadalladaasi, isagoona xusay in dowladda Jabuuti ku howlan tahay dib u furista wada-hadalladaasi.

Sidoo kale waxa uu wasiirku soo jeediyay in labada dhinaca ay muujiyaan samir badan, si loo helo wada-hadallo guuleysta oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Hargeysa.

Wasiirka ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal uu soo dhigay bartiis twitter-ka, wuxuuna ku yiri “Dib u bilaabista wada hadalada heerka guddiyada farsamo ee Somaliland iyo Soomaaliya, Djibouti waxay diyaarinaysaa saaxadda wada hadalo guulaysta.

Waxa kale oo ku yiri qoraalkaasi “Waxa muhiim ah in Samir la yeesho, lana taxadiro, oo meesha laga saaro dhammaan caqabadaha dib u dhigi karaya geedi socodka” ayuu yiri Wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Jabuuti”.

Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya ee wajigiisa labaad uu dib uga furmi lahaa dalka Jabuuti ayaa gebi ahaanba hakad galay, maadama uu tiraba dhowr jeer uu dib udhac ku yimid.