BF oo maanta meel-mariyey sharci muhiim u ah hanaanka doorasho ee qof iyo cod

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku yeesheen kulan lagu ansixiyey sharci muhiim u ah hanaanka dimoqraadiyadda Soomaaliya iyo doorasho qof iyo cod ah oo dhacda.

Kulankii maanta ayaa Golaha Shacabka waxay ku ansixiyeen wax bedelka sharciga xisbiyasada siyaasadda ee Soomaaliya,

Codeyntii dhacday waxaa ay noqotay: 137 oo ogolaatay halka 3 ay diideen, waxaana ka aamusay ilaa 2 xildhibaan oo ka tirsan golaha.

Sharcigan ayaa muhiim ah niyaamka xisbiyada badan ee dalka iyo in la gudbo nimaadka qabiliga ah ee Soomaaliya ka jiray 30-kii sano ee la soo dhaafay, taasi oo horseedi karta inay dhacdo doorasho qof iyo cod ah, oo shacabka ay soo doortaan wakiilladooda.

Ansixinta sharcigan ayaa imaneysa ayada oo dalka ay haatan ka taagan tahay dood ku saabsan in sanadkan ay dhici karto doorasho qof iyo cod ah iyo in kale, islamarkaana ah waxa hadda ay isku mari la’yihiin madaxda dowladda federaalka iyo madax goboleedyada.

Sharciga xisbiyada ayaa wuxuu ogolaanaya in muwaadin kasta uu xil isku sharxo, isaga oo aan u baahneyn inay soo xulaan odayaasha qabaa’ilka, hase yeeshee marxaladda iminka ee Soomaaliya ayaa u muuqata in aysan dhoweyn xiligii shacabka ay soo dooran lahaayeen wakiiladooda.