Guuxa ka jira Dhuusamareeb iyo wararkii ugu dambeeyay

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb wali dhinac la iskuma raacin, shirarkii gaar-gaarka ahaa ee ay yeelaneyeen madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ayaana wali wax jiho ah laheyn iyadoo la isku maahdaafsan yahay qodobada qaar ee ay madaxda ka hadleyso taasoo lagu tilmaamayo nuuca doorashada.

Marka laga tago tiro kulamo aan miisaan laheyn oo ka dhacay guriga Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, hadana shalayto ma jirin shirarkii xawliga ahaa.

Caasimadda Online ayaa ilo xog-ogaal ah ka ogaatay in shirka uu furmayo galinka dambe ee maanta, waxaana kaliya dhici doona khudbado jeedin iyadoo shirka lasoo xiri doono isla markaana lasoo saari doono war-murtiyeed fashilka looga ilaalinayo shirka Dhuusamareeb 2.

Wararka waxey sidoo kale intaas ku darayaan in shir kale lagu balami doono 15 ilaa 30 maalmood kadib taasoo lagu dhameystiri doono go’aamada dhiman.

Qodobada la isku haayo midi waa nuuca doorashada iyadoo madaxweyne Farmaajo uu wali ku adkeysanaayo doorasho qof iyo cod ah halka maamul goboleedyada ay doonayaan doorasho dadban oo aan aheyn midii uu qabtay Xasan Shiekh.

Marka qodobkaas laga soo gudbo, waxaa jira qodob kale oo ilaa iyo hadda la isku hayo waana guddiga turxaan bixin doona labada nuuc doorasho ee la isku hayo, guddigaas waxaa la isku soo hadal qaaday inuu ka koobnaado heer federaal iyo xeer maamul goboleed, tala bixintooda kadibna waxey wax walba horkeeni doonaan shirka xiga ee la isugu imaan doono.

Arinta ugu xiisaha badan waxey tahay in madaxweyne Farmaajo uu dalbaday in shirka lagu soo biiriyo xubno matala guddoonka Baarlamaanka, balse waa lagu gacan seyray.

Inkastoo lagu wareersan yahay mowqifka Xasan Cali Kheyre ee arrimaha doorashooyinka hadana waxa ugu weyn ee in xal laga gaaro u baahan waa labada mowqif ee madaxweynaha iyo madaxda maamul goboleedyada oo mowqif mid ah leh.