Dhib ciidamada ku haysta Muqdisho oo horseedi kara inay rayid dilaan (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Dad badan ayaa ku baraarugsaneen halis weyn oo ka jirta magaalada Muqdisho, taas oo kala heysata ciidamada amaanka iyo wadayaasha gaadiidka gobalka Banaadir.

Halistaan ayaa ah mid ka jirta baraha Kontaroolka ee ciidamada ku sugan gudaha magaalada Muqdisho, waxaana dayacaad lagu eedeeyay masuuliyiinta amniga madaxda ka ah iyo madaxda qaranka.

Halista jirta oo ay ogaatay Caasimada Online ayaa ah in ciidamada gaadiidka baara ee ku sugan baraha kontaroolka aysan badanaa laheyn goobo ay ka galaan qoraxda iyo roobka kadibna ay hoos ka raadiyaan meel aysan arki karin gaadiidka markii uu dhaafana ay rasaas ka daba ridaan.

“Waxaan soo dhaafay ciidan laamiga dhinac midig ka taagnaa, anigoo laamiga ka leh dhanka bidix, goobtana uma oolin calaamad lagu garto in ay tahay rug ciidan waxaana layga soo daba riday dhowr rasaas ah sida gaari soo fakaday, markii aan u laabtay oo aan u sheegay in aysan joogin waxuu ii tilmaamay in uu hoos ka raadiyay jiingad seedka kale ee laamiga gees ka ah (dhinaca Qorrax kaa soo bax) waxaana u sheegay in aysan sax aheyn laakiin igama yeelin maalin walbana waa dhacdaa sidaan” ayuu yiri masuul ka tirsan shaqaalaha dowladda Soomaaliya oo la hadlay Caasimada Online.

Sidoo kale markii uu roob da’ayo ayaa ciidamada waxay ka tagaan dhanka ay aheyd in ay istaagaan si ay u baaraan gaadiidka magaalada soo galaya, iyagoo tago dhinaca kale ee laamiga mararka qaarna aad uga fogaada waxayna arintaasi sababtaa in gaadiidka orad ku dhaafaan oo rasaas laga daba rido.

Xiliyada ugu daran waa duhuradii iyo barqadii xiliga qorrax soo baxeyso oo ay wejiga aad uga qabato ciidamada jidadka taagan. Sidoo kale xiliyada roobka ayaa sidaan oo kale waxay ka dhacdaa Muqdisho waxaana markaas iska hor yimaada ciidan dhafarsan iyo wadayaal gaadiidka aan si fiican u aqoonin waana xiliyada ugu daran oo ay kiisaskaan ka dhacaan Muqdisho.

Odayaasha iyo wadayaasha gaadiidka Muqdisho ayaa dowladda ka dalbaday in ay ciidamada u dhisto goobo ay ka galaan qorrax iyo roobka si ay u shaqadooda u wataan shacabkana aysan halis ugu imaanin dhibaatada jirta.