Muqdisho (Caasimada Online) – Socdaalkii halka maalin ahaa ee Abiye Ahmed ku tegay Muqdisho ayaa keenay hadal hayn ku aaddan waxa ay Dowladda Federaalka ah lumisay ama heshay. Sidoo kale waxaa ka dhashay isweydiimo dhawr ah oo u baahan in laga jawaabo.
Sababta ugu weyn ee keentay in wax la iska waydiiyo hoggaamiye dal oo Soomaaliya booqanaya dhib iyo dheefka ay tahay, in kasta oo Soomaaliya u baahan tahay madax sare soo booqata, haddana shaqsiga yimid iyo xilliga uu soo booqday Muqdisho ayaa dhaliyey hadal haynta.
Maxaa keenay walaaca ay qabaan qayb ka mid ah Soomaalida?
Muddadii ay soo kabashada ku jirtay Soomaaliya, marna masoo marin dagaal siyaasadeed ku dhisan damaca ah in dhulkooda la qaato, inkastoo duullaankii TPLF ee Meles Zenawi garwadeenka ka ahaa uu ahaa dagaal wakaaladeed oo reer Galbeedku dagaal ka riixayeen.
Heshiiskii Abiy ee uu la galay Somaliland ayaa noqday mid dadka Soomaaliyeed ay si feejigan uga gilgishaan, waxayna keentay in Soomaalidu aysan aamin mar dambe Itoobiya.
Walaaca ugu badan waxaa keenay laba qodob. Kow, jidkii dagaal ee ay jeexeen madaxda Dowladda Federaalka oo jeediyay hadalladii ugu adkaa ee fagaare iyo faqba lagu gudbiyo, kuwaas oo dadka Soomaaliyeed loogu sheegayo in cadowgooda Itoobiya ay iska celinayaan, dalkooda ka difaacayaan, taariikhdoodana ilaashaadaan.
Haddii waqtigan heshiis la qaatay, shacabka looma sheegin waxa dhabta ah ee lagu heshiiyey, mana jirin hannuunin qaran oo ka timid madaxda dalka.
Tan labaad waa sooyaalka taariikheed. Labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa ka dhaxeeya loollan taariikheed oo ku dhisan damac iyo dhul-boob, tan waa midda markasta shacabku ay dhegta u taagayaan.
Haddaba in khilaafka meesha laga saaro yaa dheeftiisa qaatay?
Si kooban dal nugul oo sida Soomaaliya ah oo kale uma fiicna inay galaan khilaaf dheer, maadaama waxa ay nabaddu ku weyn karto ay ka badan tahay waxa kaga lumaya dagaalka iyo khilaafka.
In la soo afmeero khilaafka labada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaa xilligan dhibcaha sare qaatay dhanka Soomaaliya, waxaana Muqdisho ay maanta haystaa; in khilaafkii dhammaaday, lagu heshiiyey qodobo la isku raacsan yahay, Itoobiya la macaamilayso Dowladda Federaalka iyo in damaanad qaad buuxa oo heshiiska ah jiro. Tan waa faa’iido aysan Soomaaliya helin muddooyinkii ugu dambeeyey.
In kasta oo dad badani qabaan in joogista Ciidanka Itoobiya ay tahay guul weyn oo gaartay Addis Ababa, haddana waxaa la ilaawi karin in markii ugu horraysay ay Soomaaliya imaan karaan ciidan Masaari ah oo ku yimid khilaafka kuwaas oo ahaa waxa ugu weyn oo Itoobiya ka dagaallamaysay.
Marka aan isbarbardhigno walaaca ka dhashay dhammaynta khilaafka iyo miraha kasoo baxay oo ah waxa waaraya, laguna heshiiyey, sida muuqata waa dheeftii heshiiska qaatay Soomaaliya.
Hase ahaatee, fasiraad-xummada hoggaanka dalka iyo maqnaanshaha xiriirka ka dhaxeeya shacabka iyo fariimaha dowladda ayaa laga yaabaa in xagal daaciyaan guushan diblumaasiyadeed oo ay gaartay dowladdu.
Isha: SomaliStream.com