25.6 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Dhimashada COVID-19 ee Somalia oo sii korortay iyo dadka qaba oo dhaafay 500

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay tiro cusub oo dad ah oo laga helay cudurka Coronvirus iyo kuwa kale oo dhintay..

Qoraal kasoo baxay wasaaradda caafimaadka eyey maanta ku xaqiijisay inay geeriyoodeen 2 qof oo kamid ahaa bukaannadii laga helay cudurka COVID-19.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Fowziya Abiikar Nuur ayaa sidoo kale caddeysay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay la diiwaan geliyay 48 xaalado cusub oo COVID-19 ah, ayna bogsoodeen 5 ruux oo kamid ah dadkii horay looga helay xanuunka.

41 kamid ah xaaladaha cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 4 waxaa laga helay deegaannada dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed, 3 ruux oo kalena waxaa laga diiwaan geliyay dowlad gobaleedka Jubaland.

31 kamid ah Bukaannada cusub waa rag, waxaana dumar ah 17-ka xaaladood oo kale, sida lagu sheegay qoraalka wasaaradda.

Tirada guud ee kiisaska COVID-19 gudaha Soomaaliya waxay gaartay 528, 19-qof ayaa ka bogsatay, halka 28-qof loo diiwaan geliyey inay u geeriyoodeen.

- Advertisement -

Read more

Local News