Dhismaha waddada xiriirisa Muqdisho iyo Afgooye oo si rasmi ah loo billaabay

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dhismaha Waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye ayaa maanta bilaaabatay iyada oo waddadaas iyo waddooyinka ku xeeran ay dowladda ku jartay dhagxaan waaweyn.

Waddadan waxaa dhismaheeda ay qeyb ka tahay mashruucii Dowladda Qadar ku dhiseysay Waddooyinka Magaalada Muqdisho ku xira Magaalooyinka Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed Soomaaliya.

Dowladda Qadar sanadkii 2017kii ballanqaadday in ay dhiseyso Waddooyinkan waxaana dadka Muqdisho ay in badan hadal hayeen sababta aanay wali u billaaban dhismaha Waddooyinkaas.

Dadka deggan xaafadahaas ayaa saaka ku waabariisay dhagxaanta lagu jaray jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye oo la xiray inta u dhaxeysa Sarkuusta iyo Ex-Koontarool Afgooye halkaas oo dhismaha lagu billaabay.

Mashruucan dhismayaasha Waddooyinka Muqdisho iyo Afgooye iyo Muqdisho iyo Jowhar ayaa waxaa uu ku kacayaa $200Milyan oo doollarka Mareykanka ah.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi ka socday dowladda Qadar oo ay wehliyeen Madaxweynayaasha Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed ayaa daah furay dhismaha Waddooyinkaas 18kii Februay sanadkan inkasta oo tan iyo xilligaas aysan billaaban.

Halkaan ka daawo Kacaan cusub oo Muqdisho ka dilaacay iyo dagaalka Axmed Madoobe iyo ciidanka DF

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com