Dhismihii Jubbaland oo fashil ku dhow & Aw-Libaax oo isaga tagay Kismaayo

Beled-Xaawo (Caasimada Online) – Waxaa maanta Magaalada Balad-Xaawo ee Gobolka Gedo soo gaaray wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Ahlusunnada Konfureed Sh .Maxamed Maxamuud Yusuf Aw-libaax, ayado Wafdigaan ay ka mid ahaayeen Mas’uuliyiin ka tirsan Gudiga Farsamada Maamul usameynta Jubbooyinka iyo Gedo.

Wafdigaan ayaa  waxa ay saaka diyaarada qaas ah ka soo qaaday Garoonka Diyaaradaha  Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose,  waxaana ay maanta galabnimadii  soo gaareen  Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka gedo.

Wafdigaan oo ka kooban Xubno muddooyinkii ugu danbeyay ku mashquulsanaa Maamul usameynta Jubbooyinka iyo Gedo, ayaa waxaa Magaalada Baladxaawo ku soo dhaweyay   Maamulka Ahlusunnada Waljamaaca ee Magaalada Baladxaawo iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Dagmada Balad Xaawo oo ay horkacayaan Ururada Haweenka iyo kuwa arrimaha Bulshada.

Ow-libaax_garabMa cada waxaa  Shirarka u bilowday Masuliyinti Maamulka Balad xaawo iyo Gudomiyaha Ahlusunna Waljamaca ay ku saabsanyihiin balse warar hoose oo ay heshay warbaahinta ayaa waxaay  shegayaan in Gudomiye Aw-libaax u saraakisha Maamulka Balad xaawo ka waraysanayo sida ay u socdan howlaha Maamulka Balad Xaawo.Sidoo kale  Aw-libaax ayaa waxaa uu Warbixin  ku saabsan waxa  uga soo qabsoomay socdaklki u ku tagay Kismaayo siinaya Saraakisha Ahlusunnada Konfureed.

Wafdigaan oo asagu ku sugnaan doona gobolka mudo ayaa waxaa lagu wadaa in ay dhawaan ka hadlaan ujeedada Socdaalkooda  iyo Halka ay marayso Maamul usameynta Jubboyinka iyo Gedo oo ayadu  dib loo dhigay ila inta laga xoreynaayo deegano hada ka maqan gacanta  Dowlada Somalia.

Wararka ayaa sidoo kale sheegayaa in uu jiro is fahamwaa xoogan oo u dhaxeeya dadkii ku howlanaa dhismaha Jubbaland, oo u kala jabay dhinacyo badan, sida Ahlu-Sunnada Awlibaax, kooxda Gaandi ee Azaniya iyo Jabhadda Raaskambooni ee Axmed Madoobe, oo dhinac walba uu doonaya talada ugu sareysa ee maamulka.

Caasimada online

Xafiiska Wararka Gedo