Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa bilowday diyaarinta qiimeynta wareegga labaad ee dib-u-eegista hirgelinta heshiiska Qaramada Midoobay ee la-dagaallanka musuq-maasuqa (UNCAC), iyadoo la qaaday tallaabooyin lagu xoojinayo hufnaanta iyo isla-xisaabtanka hay’adaha dowladda.
Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Faysal Aadan Xasan ayaa maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay aqoon-is-weydaarsi lagu diyaarinayo is-qiimeynta wareegga labaad ee dib-u-eegista hirgelinta heshiiska UNCAC.
Aqoon-is-weydaarsigan ayaa waxaa ka qaybgalaya wakiillo ka socda hay’ado kala duwan oo dowladda Soomaaliya ah, kuwaas oo iska kaashanaya diyaarinta qiimeynta iyo hirgelinta qodobbada heshiiska.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray laba arrimood oo muhiim u ah heshiiska, kuwaas oo kala ah ka hortagga musuq-maasuqa iyo soo-celinta hantida, kuwaas oo laf-dhabar u ah xoojinta hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo sarreynta sharciga.
Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka oo ah barta xiriirka UNCAC ee Soomaaliya ayaa hoggaaminaysa isku-dubbaridka geeddi-socodkan, iyadoo si dhow ula shaqaynaysa hay’adaha qaranka iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dambiyada (UNODC).
Xoghayaha Joogtada ah ayaa sheegay in is-qiimeyntani ay fursad muhiim ah u tahay xoojinta dib-u-habeynta hay’adaha dowladda, kor u qaadidda hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo dardargelinta dadaallada qaranka ee la-dagaallanka musuq-maasuqa.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka go’an tahay hirgelinta waajibaadka ka saaran Heshiiska UNCAC, iyadoo qiimeyntan wareegga labaad laga filayo inay sare u qaaddo tayada maamulka, isla markaana xoojiso kalsoonida lagu qabo hay’adaha dowladda iyo nidaamka la-dagaallanka musuq-maasuqa.






