Dib u milicsi: Ballan-qaadyadii uu sameeyay R/W Xamza

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta si rasmi ah xilka ugula wareegay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Maxamed Xuseen Rooble, kadib munaasabad ka qabsoontay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Hamza ayaa 25-kii bishan hortagay Baarlamaanka ayada oo codka kalsoonida siiyeen Xildhibaanada Golaha Shacabka, haddaba aan dib u milicsano ballan-qaadyadii uu sameeyay Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay maanta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ballan-qaaday in uu soo dhisi doono xukuumad tayo leh, laguna soo xulay aqoon, karti, hufnaan khibrad iyo waayo aragnimo ka tarjumaysa baahiyaha kala duwan, dalkana u horseeda xasilooni siyaasadeed oo loo dhan yahay, sida uu khudbadahiisa ku sheegay.

Xukuumadda uu soo dhisi doono ayuu sheegay inay xooga saari doonto dhowr arrimood, kuwaas oo kala ah dhinacyada amniga, garsoorka iyo caddaaladda, abaaraha, dib-u-heshiisiinta, wadahadallada Somaliland, dimoqraadiyadaynta, doorashooyinka, dhaqaalaha, maamul-wanaagga, isla xisaabtanka, dhameystirka dastuurka, adeegyada bulshada iyo siyaasadda arrimaha dibedda oo ku dhisanaa doonta danta dalka.

Hamza Cabdi Barre ayaa sidoo kale ballan-qaaday in ahmiyada 1-aad uu siinayo arrimaha nabad galyada dalka, isagoo sheegay inuu dhisi doono Soomaaliya gaarta isku filaansho dhanka amniga ah.

Si riyadaasi ugu hir-gasho wuxuu sheegay Xamza in xukuumadiisu ay xoogga saari doonto dhismaha ciidan qaran oo tayo leh.

Ra’iisul Wasaaraha xilka la wareegay ayaa waxayna xil wareejintiisu noqoneysa middii u horeysay ee shan sano kadib ay labo Ra’iisul Wasaare xilka iskugu wareejiyaan.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu Hamza u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha 15-kii bishaan, isaga oo kusoo xushay in uu yahay aqoonyahan socod-siin kara siyaasadda dowladiisa cusub ee ku dhisan Soomaali heshiis ah dunidana heshiis la ah.