Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta oo Arbaca ka dhacay dibad bax lagu taageerayo go’aan uu dhawaan qaatay baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo codka kalsoonida kala laabtay raysal wasaarihii horre Cabdi Faarax Saacid Shirdoon.
Boqolaal qof oo u badan dumar, carruur iyo rag ayaa isugu soo baxay barxada Saydka, waxaana halkaas ay ka dhigeen dibad bax ay ku taageersan yihiin go’aanka baarlamaanka.
Markii uu socday dibad baxa muddo dhowr daqiiqo ah, waxaa goobta yimid ciidamo ka tirsan nabad sugida, waxaana ay kala eryeen dadkii dibad baxayay.
Ilaa hadda lama sheegin halka laga soo abaabulay dibad baxa iyo sababta keentay in la joojiyo.
Waa markii ugu horreysay oo Muqdisho uu ka dhaco dibad bax lagu taageerayo go’aanka uu qaatay baarlamaanka, shaley ayaa degmada Yaaqshid ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay kulan lagu taageerayo go’aanka baarlamaanka.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho