26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Banaanbax ka dhacay Sh/Hoose

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Marko (Caasimada online) Banaana baxan oo ah mid lagu taageerao waxqabadka Xukuumada Soomaaliya ayaa maanta wuxuu kadhacay deegaanka Ceel Wareegoow ee gobolka Shabeelaha Hoose .

Dibad baxa waxaa ka soo qeyb galay Gudooyimyaasha Maamulada Nambar Konton, Ceelwareegow iyo Marka iyo Boqlaal dad weyne ah oo ka kala yimid Tuulooyinka ku dhaw dhawa deegaanka Ceel Wareegoow iyo waliba dadka degaanka Dibad baxa uu ka dhacay  .

Ceel Wareegoow ayaa dhacda duleedka Magaalada Marka ee xarunta gobolka shabaaleha dhexe waxaana dadkii kasoo qeyb gakay Banaanbaxaasi ay ku dhawaaqayeebn Ereyo ay ku muujinayana sida ay u taageersan yihiin xukuumada Ra’isul Wasaare Saacid .

Gudoomiyaha Degmada Marka ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Cismaan Cali “Yariisow”, ayaa wuxuu sheegay in dadkiisu taageersan yihiin Dowladda sida uu sheegay .

Sidoo kale Gudoomiye-yaasha Ceelwareegow iyo Namber Konton oo iyana ka hadlay banaanbaxa, ayaa waxay dadkoodu ugu yeereen inay la shaqeeyaan Maamulada iyo Ciidanka Dowladda soomaaliya

Xukuumada Soomaaliya ayaa Sanad jirsatay waxaan dad badan ay Aaminsanyihiin insayn wax is badal ah la imaan, Inkastoo dadka qaarna ay kuu Sheegayaan in mudadii ay jirtay ya la timid isbadal muuqda .

Waa markii ugu horeysa oo Dibad bax nuucani ah oo lagu taageerayo Xukuumada Saacid uu ka dhaco deegaanka ceel wareegow ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Caasimada online

Xafiiska Marko

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News