Maamulka Somaliland oo mamnuucay Baasaboorka Somalia ee E Passaport

Hargeysa (Caasimada Online) Maamulka Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay shaqaale ka tirsanaa xafiis lagu bixiyo baasaboorka E Passport oo ay dowladda Soomaaliya bixiso.

Wasiirka arrimaha gudaha maamulka Somaliland Cali Maxamed Waran-Cadde ayaa BBC-da u sheegay in la xiray raggan kaddib baaritaan ay maamulkooda wadeen maalmahan.

Wuxuu sheegay in raggan ay ku bixanayeen deegannada Somaliland basaboorka E Passport.

Wasiirka ayaa tilmaamay in baasaboorka E Passport in aan looga dhoofin Karin Somaliland isla markaana la oqoonsan doonin.

“Annaga qaran madax banaan ayaanu nahay, basaboorkaas halkan kama shaqeen doono, waayo ma aqoonsanin, waxaa halkan looga dhoofi karaa baasaboorkii hore ee Soomaaliya.” Ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Somaliland.

Mar la waydiiyay maadama baasaboorkooda la aqoonsaneen isla markaana dad badan oo Somaliland  ay doonayaan in ay ka qaybgalaan Xajka .

Wuxuu sheegay wasiirku in xujeyda ka tagaysa Somaliland ay ku safri karaan baasaboorka Somaliland iyo kii hore ee Soomaaliya lahaan jirtay.

Isku soo duub waxaa hubaal ah in xujeey badan iyo dad badan oo reer Somaliland ah oo doonaya dibedda in ay si dhuumaaleysi ah ku yimaadaan magaalada Muqdisho, halkaasna ay ka qaataan baasaborka E Passport oo caalamka laga aqoonsan yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa

Caasimada@live.com