Shir looga hadlayo shidaal laga soo saarayo Somalia oo berri ka dhacaya..

London (Caasimada Online) Magaalada London ee xarunta dalka Ingiriiska waxaa maalinta berri ah ka furmaya shir looga lahadlaayo shidaal laga baarayo dalka Soomaaliya.

Shirkan waxaa qabanaya shirkada Soma Oil and Gas, oo ah shirkad laga lee yahay dalka Ingiriiska taasoo dhawaan heshiis lagashay dowladda Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka soo qaybgalaya khubarro ka kala socda Canada, Somalia, Saudi Arabia iyo kuwa kale oo badan, kuwaasoo ka tala bixin doona sida shidaal iyo gaas looga soo saari karo dalka Soomaaliya.

Waxaa kaloo shirka ka qaybgalaya wafuud ka socda dowladda fedaraalka Soomaaliya, waxaana la filayaa in shirka looga hadlo qaabka shidaal looga baari kari Soomaaliya.

Dad badan oo odorasa arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay lee yihiin waxaa Soomaaliya ka buuxa shidaal iyo gaas badan, balse waxaa adkaan doona sida loo qaybsan doono.

Puntland iyo Somaliland si yaabo kala duwan ayey u billaabeen shidaal baaris, dowladda heshiis ay la gashay shirkad ajinabi.

Waxaa kalooo jiray shirkado kale oo shidaalka baara kuwaasoo heshiis la galay dowladii hore ee Maxamed Siyaad Barre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka London

Caasimada@live.com