Qardho: Xitaa dameeradii waxaa lagu qoray “NO FAROOLE” (Arag Sawirro)

Dibad bax ballaaran oo looga soo horjeeday madaxwaynaha Maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamad Faroole ayaa maanta ka dhacay magaalada Qardho ee Gobolka Bari

Dadka Shacabka ee dibadbaxayay ayaa waxaa ay kasoo horjeedaan waqti kordhinta uu samaynayo Faroole oo waqtigiisa uu dhamaaday doonayana inuu waqtiga sii dheeraysto.

Hadalada ay dadka Dibad baxa ka dhigayay Qardho maanta  ku dhawaaqayeen ayaa waxaa kamid ah inay doonayaan inuu isbadal dhaco lana arko waji Cusub.

Waxaa dibed bax ka qeyb galay, rag, haween iyo caruur, oo muujiyay inaysan marnaba dooneyn waqti kal eoo uu Faroole hogaamiyo.

Daawo Sawirro laga soo qaaday dibeda baxa.