Dibadbax looga soo horjeedo burcad badeeda oo ka dhacay Cadaado

Cadaado (Caasimada Online) Wararka naga soo gaarayo degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaas ay ka dhaceen dibad-baxyo ka dhan ah kooxaha burcad badeeda Soomaalida.

Wariye ku sugan Cadaado ayaa u sheegay Caasimada Online in boqolaal qof oo u badan carruur iyo haween ay maanta magaalada ka dhigeen dibad baxyo looga soo horjeedo kooxaaha burcad badeeda ee maraakiibta iyo shaqaalaha la socda ka afduubtay xeebaha Soomaaliya.

Dibad baxyada ayaa la sheegay in ay soo abaabuleen maamulka Ximan iyo Xeeb oo ka arrimiya Cadaado.

Dadka dibad baxayay ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan falalka ay sameenayaan kooxahaha burcad-badeeda, waxa kaloo ay ku soo dhaweeyeen tallaabadii dhowr cishi ka hor uu mid ka mid ah hoggaamiyeyaashii burcad badeedda Maxamed Cabdi Xasan “Af-weyne” uu ku dhawaaqay inuu ka baxay falalka burcad badeednimada.

Waxa kaloo ay sheegayn in ay soo dhaweenayaan in 100 burcad badeed ah oo ku sugan qaybo ka mid ah gobalka Galgaduud ay ku dhawaaqeen in ay ka fariisteen ganacsigii burcad badeednimo.

Dadka dibad baxyada ka hadlay waxa ka mid ahaa guddoomiyaha degmada Cadaado Axmed Saalax Ibraahim oo sheegay in dibadbaxa uu astaan u tahay sida dadka ku dhaqan deegaannadaas ay uga go’an tahay inay arkaan dhammaadka burcad badeednimada ku sugan gobalka ay ka baxaan falalka ay ku jiraan.

Arbacadii la soo dhaafay ayaa sarkaal ka mid ah hoggaamiyaasha kooxaha burcad-badeeda oo lagu magacaabo Af-weyne iyo koox uu hoggaaminaayay ay ku dhawaaqeen inay joojiyeen falalkii burcad badeednimo ee ay ku guda jireen sanooyinkii u dambeeyay.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigtay la heestayaal u afduubnaa kooxaha burcad-badeeda oo tiradooda gaarayay illaa lix qof.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Cadaado