Isbitaalka Digfeer: 1 dollar dhiib oo gudaha u gal ama darbiga ku sug bukankaada (Yaabka Xamar)

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka jiro culeesyo badan oo dadka shacabka heysta, laakiin markan waxaa la arkay arin aanan wali lagu fakarin iney Muqdisho ka dhaceyso taasi oo ah in xarun caafimaad dadka booqdayaasha ah ku bixin lacagta gelitaanka.

Isbitaalka Digfeer oo magac ahaan hadda loo bixiyay Erdogan dayactirka Turkida ku sameeyeen darteed ayaa waxaa haatan ka taagan arin la yaab leh oo ah in dadka booqanaya bukanada ka jiifa goobta ay dhaqaalo ku bixinayaan gelitaanka isbitaalka.

Qaar kamid ah dadka dhacdooyinka bixinta dhaqaalaha la kulmay ayaa sheegay in qof markasta uu galayo uu bixinayo hal doolar, loona ogol yahay kaliya iney hal maalin la joogaan bukaanka kaga jiro isbitaalka Digfeer eemagaalada Muqdisho.

Dadka ayaa la yaaban in isbitaalka uu yahay mid dowlada Soomaaliya ledahay laakiin ay maamusho dowlad kale oo dalka Turkiga ah, waxaase la yaab kale noqotay markii booqashada dadka bukaanka ah lacag laga sii dhigay.

“Ibsitaalka haddii aadan wadan hal doolar maba galin kartid, sababtoo ah maba laguu ogola”sidaasi waxaa yiri mid kamid ah dadkii bixiyay halka doolar ee muddada saacadaha ah la joogay bukaanka.

Marka laga soo tago halkaasi doolar waxaa dadka u dheer ineysan helin adeegyada ay u baahan yihiin sabab la xiriirta dhaqaalo badan oo dadka laga qaado iyo shaqaalaha oo sidey doonaan ka yeelanaya dadka bukaan ah, mana jirto cid la xisaabtami karta,

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com