Faah-faahin: Qarax goordhow ruxay degmada…

Muqdisho (Caasimada Online) – Qarax xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay deegaanka Halgan ee degmada Buula-burte oo ay dhawaan la wareegeen ciidammada dowladda iyo kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM.

Qaraxa ayaa ahaa mid inta badan laga wada maqlaayay deegaanada hoostaga degmada Buula-burte, waxa uuna qaraxa ka dhacay goob maqaaxi ah oo lagu shaaho, sida ay kusoo waramayaan dadka Deegaanka.

Maqaaxida ayaa waxaa xiliga Qaraxa uu dhacaayay ku sugnaa ciidammo ka tirsan dowladda iyo dad shacab ah, waxaana la soo warinayaa in Qaraxa uu geystay Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira.

Inta la xaqiijiyay Qaraxa ayaa waxaa ku nafwaayay ilaa Seddex ruux, halka dhaawacana uu gaarayo Shan ruux oo isugu jiro shacab iyo Ciidamo.

Dadka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa uu ahaa mid goobta lagu sii diyaariyay, xiliga uu dhacaayayna Maqaaxida ay aheyd mid mashquul badan.

Deegaanka uu Qaraxa ka dhacay ayaa waxaa maalmo ka hor hantiyay Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com