Khatarta heshiiska Soma Oil & Gas oo laga digay

Muqdisho (Caasimada Online) – Global Witness oo ah Hay’adda Caalami ah una xil saaran Dabagalka iyo baaritannadda Tacadiyadda Xuquuqda Aadanaha islamarkaana u olaleysa is hortaaga Musuqa iyo Colaadaha ka dhasha Kheyraadka Dabiiciga, ayaa baaq adag kasoo saartay Heshiiskii Musuq-maasuqa isku rogay ee dhexmaray DF Somalia iyo Shirkada Soma Oil and Gas ee laga leeyahay dalka Britain.

Hay’adda ayaa qoraal ku muujisay Khatarta uu leeyahay heshiiska labada dhinac, waxa ayna walaac ka muujisay qaabka ay DF Somalia u musuq-maasuqday Heshiiskii dhacay.

Global Witness waxa ay sheegtay in Heshiiskaasi uu dhowr sano dib u dhac ku keeni karo Horumarada ay tiigsaneyso DF Somalia, waxa ayna ku talisay Hay’addu in dib looga laabto heshiiska noociisu uu noqday Musuq-maasuqa.

Mr Barnaby Pace oo ka tirsan Hay’adda kana howlgala dalka Britain gaar ahaan London ayaa sheegay inuu rumeysan yahay inay Siyaasiyiin iyo la taliyayaal si sharci darro uga macaashayaan Kharajka ka soo xerooda Hantida Dalka Somalia ee la iibinayo, waxa uuna carabaabay in Heshiiskaasi uu ahaa mid lagu qiyaaneeyay Qaranimada Somalia.

Sidoo kale, Mr Barnaby Pace waxa uu farta ku goday in si qaldan looga faa’ideysanayo iibinta Qandaraaskaasi ee lagu bedelayo Kharajka, islamarkaana shaki weyn laga qabi karo Heshiiska Britan iyo daalalka kale la galayaan Dowladda Somalia.

Barnaby Pace oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray in Kharajka iyo farsamada musuqa looga dan leeyahay si lagu badbaadiyo Danaha Shidaalka ee labada dhinac, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu Heshiiskaasi Ummadda Soomaaliyeed ka dhex abuuri karo Dagaal dhinaca Shidaalka.

DF Somalia waxay sheegtay inay gaacan ka geysan doonaan Baaritaanka Fadeexadaasi, iyadoo Xafiiska La-dagaalanka Musuqa ee dalka Britain ee SFO guda-galay baaritaanka arrinkaasi.

Geesta kale, Qoraalka iyo Hadalka Saraakiisha Hay’adda Global Witness , ayaa imaanaya xili uu sii laba kacleeyay Khilaafka iyo tuhunka ka dhashay Britain iyo Somalia, waxa ayna Hay’addu gaashaanka u daruurtay in Heshiiskaasi natiijadiisu noqon doono Fashil aan biro dhal laheyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com