Garoowe (Caasimada Online) – Shirkadaha amniga badaha ayaa uga digay milkiilayaasha maraakiibta khatar soo cusboonaatay oo ah dhaqdhaqaaq burcad-badeed oo ka imanaya xeebaha Soomaaliya.
Shirkadda Africa Risk Compliance (ARC) ayaa sheegtay in maalintii Axadda lagu soo warramay “in la arkay wax u eg” koox burcad-badeed ah, meel ka baxsan xeebta Garacad, oo ka tirsan deegaanka Puntland ee Soomaaliya.
Shirkadda Ambrey Analytics ayaa sidoo kale sheegtay inay heshay warbixin muujinaysa in la arkay koox looga shakisan yahay inay yihiin burcad-badeed.
Mas’uuliyiinta ciidamada badda ee gobolka ayaa waday baaritaan ku aaddan arrintan, ayay raacisay shirkadda.
Wax dhacdo ah oo la xiriirta burcad-badeednimo salka ku haysa Soomaaliya ma dhicin tan iyo bishii Abriil, inkastoo toddobaadyadii la soo dhaafay ay jireen warbixino sheegaya in la arkay wax u muuqday maraakiib iyo doonyo yaryar oo dheereeya, sida ay sheegtay ARC.
“Warbixino kale oo noocan ah ayaa la filan karaa marka uu dhammaado xilliga dabaylaha, maaddaama cimiladu ay u sahlanaanayso kooxaha burcad-badeedda inay hawlgalaan,” ayay shirkaddu raacisay.
Shirkadda Ambrey waxay kula talisay maraakiibta ganacsiga inay kordhiyaan heegankooda ayna adeegsadaan ilaalo hubeysan halkii ay kaga suurtogasho.
Waa in maraakiibtu ay soo wargeliyaan haddii ay arkaan wax dhaqdhaqaaq ah oo shaki dhaliya, ayay sheegtay.
Bishii Abriil, milkiilayaasha maraakiibta ayaa sidoo kale looga digay khatar dib usoo cusboonaan karta oo burcad-badeednimo ah oo ka iman karta xeebaha Soomaaliya.
Maalintii Axadda, waxaa la arkay koox looga shakisan yahay inay burcad-badeed yihiin oo ka amba-baxaysay deegaanka Marreya ee xeebta Eyl.
Doon ku sugnayd gobolka ayaa goor sii horreysay waxaa saarnaa oo dhacay kooxo hubeysan, kuwaas oo ka qaatay saddex doonyood oo yaryar oo midkiiba uu ku xiran yahay matoor awooddiisu tahay 60-horsepower.
Bilihii la soo dhaafay, Badda Cas, Galbeedka Afrika iyo Marinka Singapore ayaa dhinaca weerarrada iyo burcad-badeednimada walaac weyn ugu hayay maraakiibta marka loo barbardhigo Soomaaliya.
Bishii Maarso, ayaa lasii daayay dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Shiinaha, taasoo ay dabayaaqadii bishii Nofeembar afduubteen kooxo hubeysan oo Soomaali ah, si ay dib ugu laabato dalkeeda.
Doonida Liao Dong Yu “waa la xoreeyay”, sida ay ciidamada badda ee Hawlgalka Midowga Yurub ee Atalanta ku sheegeen qoraal ay soo dhigeen baraha bulshada, iyagoo soo xiganaya safaaradda Shiinaha ee Soomaaliya.
“Wax dhaawac ah ma soo gaarin cid ka tirsan shaqaalihii doonida, markabkuna wuxuu ku sii socdaa biyo ammaan ah,” sida lagu sheegay qoraalka.

